Laacib Caan Ah Oo Hal Arin Oo Cajiib Ah Kula Taliyay Morata Si Uu Boos Joogta Ah Uga Helo Kooxda Chelsea

Quique De Lucas, ciyaaryahankii hore ee kooxda kubada Chelsea, ayaa wuxuu ka hadlay dhibaatada ku haysata naadiga Blues, ee ka dhisan Galbeedka Magaalda London, weerar yahankii hore ee Real Madrid, wiilka lagu magacaabo Alvaro Morata.

Morata, ayaa wuxuu caasimada wadanka Spain, kasoo dhaqaaqay fasal ciyaareedkii hore, markasoo lagu soo iibsadaya aduun dhan 65 Milyan oo Yuuroo, laakiin lacagtii laga soo bixiyay ma uusan noqon mid sida ay tahay uga soo dhalaala.

19 kulan oo uu dhamaan tartamada oo dhan uu udheelay Morata kooxda Chelsea, wuxuu shabaqa soo taabtay 10 jeer, isagoona caawiyay 5 gool, inkastoo uu fiican yahay, hadana waxaa jira taageerayaal kuwaasoo aan bandhigiisa la dhicin.

“Morata wuxuu ubaahan yahay inuu jir ahaan ufiicnaado, si uu xoog badan ugu yeesho garoonka, uuna daafacyadda Jir uu iska siiyo,” ayuu Quique De Lucas, ku sheegay wareysi dheer, kaasoo uu siiyay Majalada MARCA, ee wadanka Spain.

“Xidigaan reer Spain, waxa uu horey usheegay inuu doortay fikradiisa, hadii uu awoodi wayaay inuu wax badan sameeyo sanadkaan oo dhan, maskax ahaan waxay uga dhigan tahay mid khasaaro ah,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“[Mar walba] oo aan timaado koox cusub, magagaalo cusub, waxaad ubaahan tahay waqti aad kula qabsado, marka waxaan urajeynayaa wax badan oo wanaag ah,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, laacibkii hore ee kooxda Alaves, ee wadanka Spain.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com