Laacib Caan Ah Oo Ku Dhawaaqay Inuu Jilaa Filamada Mareykanka Noqonayo Marka Uu Ka Fadhiisto Kubada Cagta

Xidiga reer Germany ee Kevin Prince Boateng ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu isku bedalayo Jilaa Filimadda Mareykanka ah ee loo yaqaano Hollywood-ka marka uu isaga baxo kubadda cagta.

Wiilkaan asal ahaan kasoo jeeda wadanka Ghana balse qaatay dhalashada Germany ayaa u dheela waqti xaadirkaan kooxda Eintracht Frankfurt, inkasta oo horey usoo marey AC Milan iyo Tottenham.

Wareysi uu dhowaan bixiyey ayuu daboolka uga qaaday inuu u arko xirfadda uu doortey mid uu kasoo dhalaali karo, isaga oo shaaciyey inuu aad isugu diyaariyey.

“Ma garanayo sida ay udhici doonan, balse, waxaan ku fekerayaa inaan noqdo sida Denzel Washington,” ayuu ku sheegay wareysiga uu bixiyey xidigaan khadka dhexe ka dheela.

Denzel Washington waa mid kamid ah Jilaayaasha ugu wanaagsan ee Filimadda Hollywood, kuwaasoo aadka loo daawado Filimadda ay soo saaraan.

“Dhab ahaan waxaan ku bixiyey waqti badan, waxayna tahay dhab ahaantii, sida rumeysanahay, wax aad u wanaagsan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.