Laacib ka Adrien Rabiot oo heshiis cusub u saxiixay Barcelona

Laacib Sports : Naadiga reer Spain ee Barcelona ayaa heshiis la gaartay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot, kaas oo kooxaha Liverpool iyo Chelsea kula dagaalamayeen suuqa kala iibsiga ee sanadkaan 2018-da.

Laacib kaan Rabiot oo ay da’diisu tahay 23 jir ayaa diiday inuu kordhiyo heshiiska uu kula jiro kooxda Faransiiska ah ee PSG, kaas oo dhacaya dhamaadka xili ciyaareedkan gabagabada ah.

Dadaal badan oo ay sameeysay PSD ay u kordhiso qandaraaska, haddana agaasimaha ciyaaraha ee kooxda ayaa shaaciyey inay joojiyeen wada-xaajoodkii ay kula jireen ciyaartoyga kadib markii uu ka diiday inuu ogolaado qodobbada heshiis ee ay usoo bandhigeen, taas oo ka dhigan inuu ka tegi doono kooxdii uu illaa 15 jirkiisii la joogay ee PSG.

Qoraal uu soo bandhigay Wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa dalka Faransiiska, Barcelona iyo Rabiot ayaa gaaray heshiis, waxaanna lagu dhawaaqi doonaa dhawaan inkasta oo aan la caddaynin inuu bisha January ka degi doono Camp Nou iyo inuu sugi doono dhamaadka xili ciyaareedkan sii dhamaanaya.

Barcelona Adrien Rabiot