Laacib ka Matthijs de Ligt oo ku guuleystay Golden Boy 2018

Laacib Sports : Ciyaaryahanka lagu magacaabo Matthijs de Ligt ee u ciyaara Kooxda Ajax Amesterdam ayaa ku guuleystay abaalmarinta sanadlaha ay bixisio jariirada Tutto Sport ee kubada dahabiga ee da’yarka ugu wanaagsan sanadkaan 2018-da.

Laacib kaan Kabtanka u ah Kooxda Ajax Matthijs de Ligt ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Horyaalka Spain haysata ee Barcelona iyo sidoo kale kooxda Manchester City oo iyana horyaalka Ingiriiskaoo ay da’diisu tahay 19 snao ayaa ku guulaystay abaalmarinta kadib markii uu helay codadkii ugu badnaa ee la bixinaayay.

Da’yarkaan 19-sano jirka ah ee De Ligt ayaa abaalmarinta kaga guulaystay laacibka Roma garabka kaga ciyaara Justin Kluivert, daafaca Liverpool Trent Alexander-Arnold, weeraryahanka Milan Patrick Cutrone iyo da’yarta Real Madrid Vinicius Junior, waxaana sanadki hore abaalmarinta ku guulaystay weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ee u dhashay wadanka France.

Ciyaaryahanka reer Roma Kluivert ayaa aad ugu cadcadaa abaalmarinta intii ay codeyntu socotay waxaase maanta ay Tutto Sport ku dhawaaqday in De Ligt uu ku guulaystay sanadkaan.

Bixinta Abaalmarinta oo ay Tutto Sport bilowday 2003-dii isla markaana u jeedkeedu uu ahaa in ay dhiirogelin ugu samayso xiddigaha mustaqbalka wanaagsan ku yeelan kara kubadda cagta waxaa laacibki u horeeyay eek u guulaystay uu ahaa Rafael van der Vart oo isnaAjax u ciyaaray waxuuna De Ligh noqonayaa laacibkii labaad ee dalka Netherland u dhashay ee hanta sanadkaan sii dhamaanaya 2018-da.

Dhanka taariikhda hadii aan eegno Waxaana horay abaalmarinta ugu guulaystay xiddigo ay kamid ahaayeen Mbappe, Paul Pogba, Wayne Rooney, Raheem Sterling, Iscoiyo Lionel Messi, basle De Ligh waxuu noqonayaa daafacii ugu horeeyay ee abaalmarintan hela.

Matthijs de Ligt