Laacib ka Samir Nasri oo dib ugu soo laabtay Koox cusub

Laacib Sports : Ciyaaryahan ka u dhashay wadanka France ee Samir Nasri ayaa markale dib ugu laabtay horyaalka Premier League-ga kadib markii uu horey ugu soo ciyaaray kooxaha Arenal iyo Manchester City sanadihii 2016-dii iyo 2017-dii.

Kooxda kubadda cagta ee Westham United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay sameysay saxiixa laacibka reer France ee Samir Nasri kadib markii ay ku heleen beeca xurta ah ee suuqa kala iibsiga.

Naadigaan Westham ayaa war rasmi ah ay ay ku soo qortay website-keeda iyo dhamaan shabakadaheeda rasmiga ah ee Twitter iyo Facebook waxay ku xaqiijisay in Samir Nasri ay kula wareegtay hehiis beeca xorta ah ee gaarsiisan ilaa iyo mudo dhan 6 bilood, taasoo ka dhigan inay tahay ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan ka hartay 2019-ka.

Kooxda kubadda cagta West Ham ayaa sidoo kale xaqiijisay in heshiiskan 6 bilood uu qeyb ka yahay shuruurd ah in marka uu soo idlaado ay ka saxiixan karto heshiis dhan mudo labo sano ah, hadii ay ku wada heshiiyaan.

Laacib Samir Nasri ayaa u xiran doona kooxda West Ham No. 18-aad ee kooxda wuxuun kooxdiisa reer England ka shaqo bilaabi doonaa isla bilawga bishan maanta cusub.

Ugu dambeyntii Xiddiga Samir Nasri ayaa khibrad badan ka heysta horyaalka Premier League, isagoo soo xirtay maaliyada kooxda Arsenal bilowgii xirfadiisa ciyaareed ee kubada cagta ka hor inta uusan u dhaqaaqin Naadiga uu leyliyo Pep Guardiola.