Laacib Ka Tirsanaa Barca Oo Yiri: “Xitaa Hadii Real 10 Xidig Ay Yihiin CL Loogama Badin Karo”

Real Madrid waa mid iyada iyo Champions League, isku xiran waana mid aanan si fudud loogu garaaci karin, sida uu ugu yaraan aaminsan yahay ciyaaryahankii hore ee Barcelona, wiilka lagu magacaabo Luis Garcia.

Los Blancos, ayaa waxay hada kaga jirtaa shaxda kala horeynta ee La Liga, kaalinta saddexaad, laakiin waxay bandhig qurux badan ay ka sameyneysaa Champions League, halkaasoo ay ka joogaan hadda wareega Sideeda.

Naadiga PSG, ayay kusoo dar-dareen labadii lugood ee wareega 16-ka, markaasoo wadar ahaan ay kusoo xasuuqeen labada lugdoo 5-2 waxaana ay hada tahay mid illaa iyo hadda umuuqata mid daafacan karta koobkii ay sanadkii hore qaaday.

Isagoo wareyi siinayay Majalada MARCA, oo la weydiiyay hadii Real Madrid ay daafacan karto Champions League, ayuu Garcia ku jawaabay: “Waa mid ay adag tahay, waxaana umaleynayaa inay ku xiran tahay sida loogu baahan yahay.

“Barcelona iyo Real Madrid, waa kuwa ugu badan ee wax walba ku dagaalaa, waxaaan umaleynayaa in Barca ay hada tahay mid u diyaarsan udagaalamida iyo ku guuleysiga Champions League,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Real Madrid, mar walba ma ahan mid si fiican udheesha, waxaa jira marar aysan fiicneen oo ay xun tahay, laakiin hadii ay noqdeen 10 ciyaaryahano, waxay yihiin kuwa dagaalami kara, maxaa yelay iyaga iyo CL waa ay isku xiran yihiin.

“Champions League, waa tartan wanaagsan, laakiin waxaan umaleynayaa in hada ay Real Madrid isaga diirada saareyso, marka waan arki doonaa hadii ay ku guuleystaan, laakiin Barca ayaa meel taagan,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com