Laacibka Nebil Fekir Muxuu ka Yiri Mustaqbalkiisa Kubadda Cagta

Ciyaaryahankaan u dhashay wadanka France ayaa wali go’aan kagaarin mustaqbal ciyaareed, isaga oo waqtigan katirsan kooxda Lyon oo France ka dheesha.

Laacibkaan Nebil Fekir ayaa suuqii xagaaga ku dhawaaday in uu kubiiro kooxda Liverpool, kahor inta uusan burburin heshiikii uu ku imaan lahaa Anfeild Garoonka Liverpool.

Ugu dambeyntii majaladda Le Progres ayaa shaaca ka qaadday in Fekir muu mustaqbalkiisa kala hadli doono madaxwaynaha Lyon Jean-Michel Aulas,Ciyaaryahankaan ku guulaystay koobka adduunka ayaa doonaya in uu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa kahor ciidda gaalada(Christmas)ka oo bishaan December gabagabadeeda ah.

Nabil Fekir