Laacibkii Ugu Fiicnaa, Kii Ugu Xumaa & Qiimaynta Xidigaha Kulankii Ay Man Utd Dubatay Liverpool

Marcos Rashford, ayaa wuxuu guul weyn uu ku hogaamiyay kooxdiisa kubada cagta Manchester United, kulankii ay 2-1 kusoo dubteen dhigooda Liverpool, ciyaar ka dhacday garoonka caanka ah ee Old Trafford.

Goolasha United, oo yimid Bogga hore ee ciyaarta waliba daqiiqadihii ugu horeeyay ee kulankaan ayaa wuxuu kala dhaliyay Rashford, daqiiqadihii 14aad iyo waliba 24aad ee qeybta koowaad ee ciyaartaan.

Markii dib leyskugu soo laabtay ciyaarta ayaa waxaa gool iska dhaliyay dhanka United, ciyaar yahan Bailly, waxaana tani ay keentay in Liverpool, ay niyad yeeshaan, laakiin daafacyada United ayaa ka beeniyay.

Qiimaynta Ciyaartoyda

Man Utd: De Gea (7), Valencia (6), Bailly (7), Smalling (7), Young (8), McTominay (6), Matic (6), Mata (6), Rashford (8), Sanchez (6), Lukaku (7).

Subs: Romero (6), Darmian (6), Lindelof (6), Shaw (6), Fellaini (6), Carrick (6), Lingard (6).

Liverpool: Karius (5), Alexander-Arnold (5), Lovren (5), Van Dijk (5), Robertson (6), Milner (5), Can (5), Oxlade-Chamberlain (5), Salah (6), Mane (5), Firmino (5).

Subs: Wijnaldum (5), Lallana (5), Solanke (5).

Xidigii Ugu Fiicnaa: Marcos Rashford

expanded thumbnail

Da’yarkaan reer England, ayaa wuxuu noqday midkii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu dhaliyay Labada gool, kuwaasoo ay kooxdiisa guusha ku heshay, waxayna tani uga dhigan tahay inay Shan dhibcood ay ka sareyaan Liverpool.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com