LAMA FILAAN: Luis Suarez Oo Ganaax Aad U Culus Garka Loo Geliyay & Sababta Oo La Ogaaday

Weerar yahanka Barcelona, ee Luis Suarez ayaa wuxuu seegi doonaa ciyaarta soo socota, taasoo ay kooxdiisa Camp Nou kusoo dhaweyn doonto dhigeeda Atletico Bilbao, kulan horyaalka La Liga, ee wadanka Spain ka tirsan.

Sababta uu laacibkaan reer Uruguay, useegi doono kulankaas ayaa wuxuu yahay inuu qaatay kulankii xalay ay 2-0 uga soo adkaadeen Malaga, markaasoo uu Suarez dhaliyay goolka furitaanka daqiiqadii 15aad ee qeybta koowaad.

Philippe Coutinho, ayaa goolka labaad dhaliyay daqiiqadii 34aad ee isla qeybta koowaad, taasoo keentay in Barcelona ay guul daro la’aan noqoto fasal ciyaareedkan kulamadii La Liga 28 kulan oo xiriir ah.

Jaalaha Suarez, oo yimid qeybtii labaad ee ciyaartii Malaga ayaa ka dhigan kiisii Shanaad ee uu qaato xili ciyaareedkan, waxaana markiisii koowaad uu qaatay Jaalo laacibkaan kulan ay ka hortageen Girona.

Sikastaba, gooldhaliyahaan kaalinta labaad kaga jirta shaxda kala horeynta goolasha ee La Liga, ayaa seegata kulanka ay Isbuuca dambe wajahayaan Bilbao, laakiin wuxuu ciyaari doonaa kulanka Arbacada ee Chelsea.

Kulanka Chelsea, ayaa ka tirsan lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League, iyadoona la xasuusto in lugtii koowaad lagu soo kala baxay 1-1, markaasoo guriga Blues lagu dheelayay hadase Nou Camp ayaa lagu ciyaari doonaa.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com