Lambarka uu Franck Ribery u xiran doono kooxdiisa cusub ee Fiorentina oo la shaaciyey… (Waa kuma ciyaaryahanka looga siibay?)

Kooxda kubadda cagta Fiorentina ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijisay lambarka uu u xiran doono saxiixeeda cusub ee Franck Ribery.

Franck Ribery ayaa kooxdiisa cusub ee Fiorentina u xiran doona xilli ciyaareedkan lambarka uu caanka ku yahay ee 7-aad kaddib markii uu maanta dhammaystiray ku biiristiisa beeca xorta ah ee kooxda reer Talyaani.

Waxaa Ribery loo gacan geliyey lambarka 7-aad ee Viola, inkastoo wiilka ku cusub kooxda ee Erick Pulgar kaliya la siiyay lambarkaan horraantii bishaan.

Xiddigan reer France ayaa watay lambarka 7-aad intii lagu guda jiray 12-kii sano ee uu ku sugnaa kooxda Bayern Munich, halkaasoo uu ku qaaday sagaal koob oo horyaalka Bundesliga ah iyo hal Champions League.

Ribery ayaana Bayern Munich u saftay 425 kulan, waxaana uu u dhaliyey 124 gool, sidoo kalena waxa uu 81 kulan u ciyaaray xulkiisa qaranka Faransiiska, waxaana uu ka caawiyey inay gaaraan Final-kii Koobkii Adduunka ee 2006 oo uu ka qaaday xulka Talyaanigu.