Laurent Blanc Oo Shaaciyay Xidiga Uu Jeclaan Lahaa Inuu Sanadkaan Ku Guuleysto Abaalmarinta Ballon d’Or

Tababarihii hore ee PSG, ninka lagu magacaabo Laurent Blanc ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu la doonayo abaalmarinta xidiga sanadka ee Ballon d’Or.

“Anig codkeyga waxa uu la jiraa Rafael Varane, maadaama uu ku guuleystay Champions League iyo Koobka Aduunka,” ayuu yiri Blanc oo warbaahinta la hadlay.

“Isaga waxa uu yahay mid iga fiican, inkasta ay taasi ka caawisay nasiib, dhamaanteena, waxaan qireynaa inuu leeyahay tayo uu isku muujiyo,” ayuu xusay.

“Sheyga ugu muhiimsna waxay ahayd inuu isaga wali dheelaya 25-sano. Waxa uu dheeli karaa in ka badan, taasi oo usahleysa inuu guulo kale gaaro.

“Isaga wuxuu ku guuleystay Champions League isaga oo udheelaya Real Madrid, balse waxaa uu ubaahan yahay isbedal dhinac kasta,” ayuu ku daray hadalkiisa.

“Tani waa wax aan si adag uga fal-celin karno, kaliya waa daafac, wuxuuna awoodaa inuu guulo kale uu gaaro,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Waa ii sharaf inaan isaga isla barbardhigo. Balse, waxaan ubaahan nahay inaan taageerno, aniga waa uu haystaa codkeyga,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.