Lazio ayaa Guul muhiim ah kusoo gaartay Garoonka San Siro muddo 30-sano ka dib

Kooxda Lazio ayaa markii ugu horreysay muddo 30-sano ah ku badisay garoonka San Siro kulan ka tirsan horyaalka, Italy waxeyna guusha kaga mahad celineysaa Ciro Immobile iyo Joaquin Correa oo sababay iney 1-2 guul ah gaaraan.

Natiijadaan waxey keentay in SS Lazio ay kaalinta 4-aad ku fariisato iyadoo leh 21-dhibcood, balse waxey farqiga goolasha kaga sarreysaa kooxaha Atalanta iyo Cagliari, halka Ac Milan ay u dhacday kaalinta 12-aad iyadoo leh 13-dhibcood waxeyna 6-dhibcood u jirtaa booska looga haro heerka koowaad.

Markii ugu dambeysay Lazio ay ku badiso San Siro kulan ka tirsan horyaalka waxey aheyd 3/9/1989 markaas oo Milan ay aheyd kooxda difaacaneysa koobka horyaalada yurub, 0-1 ayey ku badisay waxaana goolka iska dhaliyay Paolo Maldini.

Kooxdii Lazio ee markaas waxey jabisay rikoor maadaama ay guul ka gaartay Milan oo aan laga adkaan 31-kulan, waxey aheyd guuldaradii ugu horreysay fasalkaas waxaana u xigay 6-guuldaro, fasalkaas waxaa horyaalka hantay Napoli.

Tan iyo markaas Lazio waxey booqatay garoonka San Siro 19-jeer kulamada horyaalka, 11-jeer ayey barbaro ku dhameysteen.

Image result for ac milan vs lazio

Image result for ac milan vs lazio

Image result for ac milan vs lazio

Related image

Related image

Image result for ac milan vs lazio