Leo Messi Oo Kooxo Reer Yurub Ah Kaligii Kaga Badan Laadka Xorta Ah Sanadkan, Imisa Ayuu Dhaliyay?

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sii wada qaab cayaareedkii cajiibka ahaa ee xilli cayaareedkan kadib markii uu laba gool oo laad xor ah dhaliyay kulankii ay kooxda Barcelona guusha ka gaartay kooxda Espanyol Kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga

Messi ayaa 2 laad oo xor ah dhaliyay kulankii ay guusha 4-0 ah ka gaareen kooxda Espanyol isaga oo muujiyay in uu yahay boqorka laadka xorta ah ee dhamaan horyaalada yurub.

Xiddiga reer Argentine ayaa ah xiddiga ugu badan ee laadka xorta ah ku dhaliyay goolasha marka loo eego kooxaha kale ee reer yurub kadib 19 gool oo uu sidaas ku dhaliyay 4-tii xilli cayaareed ee ugu dambeeyay

Image result for messi

Dhanka kale Barcelona ayaa hogaaminaysa kooxda ugu badan ee dhalisay Laadka xorta ah kadib 24 gool oo ay dhaliysay iyada oo uu Leo Messi 19 ka mid ah u dhaliyay

Waxa ku xigta kooxda Juventus kuwaas oo dhaliyay 18 laad oo xor ah iyada oo ay ku xigto kooxaha Roma,Real Madrid iyo Lyon kuwaas oo dhaliyay 14 gool oo xor ah halka ay ku xigto Bayern Munich oo dhalisay 13 gool.

Sanadka 2018
Leo Messi ayaa kaligii dhaliyay 9 laad oo xor ah isaga oo ka goolal badan kooxaha Lyon oo dhalisay 6, Levante oo dhalisay 4 gool oo laad xor ah dhankeeda

Sawirka Maxamed Khadar Ibraahim Daahir.