Liiska Kooxaha Illaa Iyo Haatan Xaqiijistay Booskooda Wareega 16-ka Ee Champions League

Kadib kulamadii saddexaad ee tartanka Champions League, sideed kooxood ayaa xaqiijistay inay usoo baxeen wareega 16-ka ee tartanka xiisaha badan ee Dhagawayne.

Balse, mid kasta oo kamid ah naadiyaddani ma hubto halka ay kaga soo bixi karto Group-keeda, maadaama aanan wali la kala bixin, oo ay kulamo harsan yihiin.

Kooxaha ayaa waxaa ay ubaahan yihiin inay guuleystaan, si ay ugu soo baxaan kaalinta koowaad, ciyaaraha soo socda oo ah kuwa lagu kala bixi doono.

Naadiyaddii ugu horeeyay ee booskooda wareega Bug-baxa hubsaday ayaa waxaa kamid ah Barcelona, kuwaasi oo uu kulan ku harsan yahay.

Hoos ka akhriso kooxaha Sideeda ah

Barcelona [B], Bayern Munich [E], Man City [F], Real Madrid [G], Juventus [H], Ajex [E], AS Roma [G] iyo Manchester United [G].