Liiska Kooxaha U Soo Gudbi Kara Wareega 16ka Champions League Kulamada La Ciyaarayo

Lix kooxood ayaa u soo bixi kara wareega 16ka Champions League kulamada la ciyaarayo isbuuca afaraad ee wareega Group-yada, waxaana hoos ku qeexi doonaa sida ay kooxaha ku soo bixi karaan.

Kooxahee u soo gudbi kara wareega 16ka kulamada la ciyaarayo Talaadada iyo Arbacada

Atlético Madrid, Bayern München, Juventus, Manchester City, Napoli, Paris Saint-Germain

TALAADO 5ta NOVEMBER

Group E: Napoli (7 dhibcood) v Salzburg (3), Liverpool (6) v Genk (1)

Napoli ayaa soo bixi doonta haddii ay badiyaan islamarkaana Genk aysan garaacin Liverpool.

Group F: Barcelona (7) v Slavia Praha (1), Borussia Dortmund (4) v Internazionale Milano (4)

Ma jirto koox ka soo bixi karta group-ka kulamada afaraad ee isbuucaan

Group G: Zenit (4) v RB Leipzig (6), Lyon (4) v Benfica (3)

Ma jirto koox ka soo bixi karta group-ka kulamada afaraad ee isbuucaan

Group H: Chelsea (6) v Ajax (6), Valencia (4) v LOSC Lille (1)

Ma jirto koox ka soo bixi karta group-ka kulamada afaraad ee isbuucaan

ARBACO 6da NOVEMBER

Group A: Paris Saint-Germain (9) v Club Brugge (2), Real Madrid (4) v Galatasaray (1)

Paris ayaa ku soo baxda guul ama barbaro haddii Galatasaray ay garaaci weyso Madrid. PSG waxay xaqiijisan doontaa kaalinta koowaad ee Group A haddii ay badiyaan oo kulanka kale uu barbaro ku dhamaado.

Group B: Bayern München (9) v Olympiacos (1), Crvena zvezda (3) v Tottenham Hotspur (4)

Bayern ayaa ku soo baxda guul ama barbaro haddii Spurs ay garaacdo Red Star Belgrade. Bayern waxay xaqiijisan doontaa kaalinta koowaad ee Group B haddii ay badiyaan oo kulanka kale uu barbaro ku dhamaado.

Group C: Atalanta (0) v Manchester City (9), GNK Dinamo (4) v Shakhtar Donetsk (4)Man. City ayaa ku soo baxda guul, waxaana ay xaqiijisan doonaan kaalinta koowaad ee Group C haddii ay badiyaan oo ay ciyaarta kale barbaro ku dhamaato.

Group D: Lokomotiv Moskva (3) v Juventus (7), Bayer Leverkusen (0) v Atlético Madrid (7)

Juventus ayaa ku soo baxda guul

Atlético ayaa soo baxda haddii ay badiyaan oo Lokomotiv Moscow laga badiyo.