Liiska xiddigaha ay Barcelona doonayso in ay ku darto heshiiska Lautaro Martinez oo lashaaciyay

Kooxda Barcelona Baacsigii ay ugu jirtay saxiixa Lautaro Martinez ayaa maraya meel muhiim ah.

Xiddigaha ay ka qayb dhigayso heshiiska ayaa si fiican u kala cadaaday maalmihii ugu dambeeyay hadii ay tahay Inter Milan ama Barcelona.

Inter Milan ayaa wali ku adkaysanaysa in ay doonayso 111 milyan oo euro kaas oo ay barcelona diyaar u tahay in ay la kulanto.

Barcelona ayaa bixin doonta kala badh taas oo ah 60 milyan oo euro iyo waliba in ay xiddigo ku darto si ay lacagta u buuxiso.

Liiska xiddigaha ay Barcelona doonayso in ay ku darto heshiiska ayaa ah kuwo aad u dheer iyada oo xiddigahaas yihiin kuwo ay kooxdu ka maarmayso.

Xiddigaha Liiska ka midka ah ayaa kala ah Nelson Semedo, Arturo Vidal, Jean-Clair Todibo, Junior Firpo, Samuel Umtiti & Carles Alena.

Agaasimayaasha Inter Milan ee Beppe Marotta & Piero Ausilio ayaa ka shaqaynaya sidii ay U heli lahaayeen xiddigahaas mid ku soo baxaya qaab ciyaareedka dambe Antonio Conte.

Inter milan ayaa u baahan daafac garabka midig ah waxana ay haatan dooran karaan xiddiga Nelson Semedo kadib markii wadahaladii xiddigu uu kula jiray Barcelona ay bur-bureen.

Kooxda Inter Milan ayaa maalmaha yar ee soo socda Barcelona ku war galin doonta xiddigaha ay doonayaan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com