Liiska Xiddigaha juventus ee ka hortagaysa Ac Milan oo lagu dhawaaqay

Xiddiga Juan Cuadrado ayaa ku soo laabtay Juventus kadib markii uu dhaawac muddo kaga maqnaa, balse Mario Mandzukic ayaa dhaawac ku seegaya kulanka adag ee Ac Milan.

Massimiliano Allegri ayaa soo dhaweynaya xiddiga xulka Colombia kaas oo kasoo laabtay dhaawac gumaarka kasoo gaaray bilowgii sanadkaan.

Dhinaca kale Alex Sandro ayaa isna ku dhaawacmay intii uu ku maqnaa waajibaadka qaranka Brazil, wuxuna soo laaban karaa kulanka kooxda Real Madrid.

LIISKA CAYAARTOYDA JUVENTUS waxaa ka mid ah

Buffon, De Sciglio, Chiellini, Benatia, Pjanic, Khedira, Cuadrado, Marchisio, Higuain, Dybala, Douglas Costa, Matuidi, Barzagli, Pinsoglio, Howedes, Asamoah, Szczesny, Rugani, Lichtsteiner, Sturaro, Bentancur.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com