Liiska Xidigaha England Ku Matalaysa Koobka Aduunka Oo La Magacaabay – Kooxdee Xidigaha Ugu Badan Ku Leh?

Macalinka xulka qaranka kubada cagta Ingiriiska ayaa wuxuu magacaabay liiska ciyaartoyda rasmi ah ee dalkiisa ku metali doonta koobka aduunka 2018, kaasoo sanadkaan lagu qabanayo dalka Ruushka, gaara ahaan Sideed Magaalo.

Liiskaan oo ka kooban ku dhawaan 23 ciyaartoy ayaa waxaa kasoo muuqday ciyaaryahano badan, kuwaasoo ukala dheela kooxaha kala duwan ee horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska, waliba heerarkooda kala duwan.

HOOS KA ARAG LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Goolhayaasha: Jack Butland (Stoke), Jordan Pickford (Everton), Nick Pope (Burnley).

Daafacyadda: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Gary Cahill (Chelsea), Kyle Walker, John Stones (Manchester City), Harry Maguire (Leicester), Kieran Trippier, Danny Rose (Tottenham Hotspur), Phil Jones, Ashley Young (Manchester United), Fabian Delph (Manchester City).

Khadka Dhexe: Eric Dier, Dele Alli (both Tottenham Hotspur), Jesse Lingard (Manchester United), Jordan Henderson (Liverpool), Ruben Loftus-Cheek (Chelsea).

Weerarka: Jamie Vardy (Leicester), Marcus Rashford (Manchester United), Raheem Sterling (Manchester City), Danny Welbeck (Arsenal) Harry Kane (Tottenham).

Xidigaha lagu bedali doono midka uu dhaawac soo gaaro, ee kamid ah liiska rasmi ah: Tom Heaton, James Tarkowski (Burnley), Lewis Cook (Bournemouth), Jake Livermore (West Brom) and Adam Lallana (Liverpool).