Liiska xulka France ee cayaaraha saaxiibtinimo oo la magacaabay

Tababare Didier Deschamps ayaa magacaabay liiska cayaartoyda xulka France ee kulamo saaxiibtinimo la cayaari doona inta lagu jiro bishaan wadamada Colombia & Russia

Wissam Ben Yedder iyo Lucas Hernandez ayaa markii ugu horeysay looga wacay liiska qaranka France, weeraryahanka Sevilla ayaana lagu soo waramayaa inuu ku muteystay sida uu u badalay kulankii ay kooxdisia 2-1 kaga badisay Man United

Dhanka kale daafaca Atletico Madrid Lucas Hernandez ayaa looga yeeray xulka iyadoo warar xan ah ay sheegayeen inuu dooranayo Spain, balse Didier Dechamps ayaa xaqiijiyay inuu xidigaan ku faraxsan yahay qaranka France

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Goolhaye: .Alphonse Areola (Paris Saint-Germain), Hugo Lloris (Tottenham), Steve Mandanda (Marseille)

Daafacyada: Lucas Digne (Barcelona), Lucas Hernandez (Atletico Madrid), Presnel Kimpembe (Paris Saint-Germain), Laurent Koscielny (Arsenal), Benjamin Pavard (Stuttgart), Djibril Sidibe (Monaco), Samuel Umtiti (Barcelona), Raphael Varane (Real Madrid)

Khadka Dhexe:N’Golo Kante (Chelsea), Thomas Lemar (Monaco), Blaise Matuidi (Juventus), Paul Pogba (Manchester United), Adrien Rabiot (Paris Saint-Germain), Corentin Tolisso (Bayern Munich).

Weerarka: Wissam Ben Yedder (Sevilla), Ousmane Dembele (Barcelona), Olivier Giroud (Chelsea), Antoine Griezmann (Atletico Madrid), Anthony Martial (Manchester United), Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain), Florian Thauvin (Marseille).

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com