Lindelof Ayaa Doonayo inuu Ka Tago Man United, isagoo Cadeeyay inuu Doonaayo ..

Warar maanta Soo baxay Ayaa ku waramaya daafaca Lindelof inuu Ka Tago Man United, isagoona Cadeeyay inuu Doonaayo inuu U Ciyaaro Koox Weyn, Sida Barcelona Ama Real Madrid.

Wakiilka xiddiga 24-jirka ah ayaa lagu soo waramayaa inuu la hadlay madaxda Barcelona, waxaana uu haatan shaaca ka qaaday inuu Lindelof Doonayo inuu Ka Tago Man United.

Victor Lindelof ayaa diirada u saaran inuu u ciyaaro koox weyn laakiin wuxuu awoodi doonaa inuu ka tago garoonka Old Trafford hadii Manchester United ay u ogolaato inuu baxo.

Lindelof ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona xagaagan, iyadoo kooxda reer Catalan ay u aragtay inuu door muhiim ah ka qaadan doono daafaca dambeedka dhexe haddii ay gacanta ku dhigi waayaan kabtanka Ajax Matthijs de Ligt.