Lionel Messi & Cristiano Ronaldo Oo Hogaaminaya Xiddigaha U Tartamaya Abaalmarinta Champions League

Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saaray Liiska  laacibiin u tartami doona xiddiga ugu fiican ee champions League.

Waxa la soo Afjaray kulamadii wareega 16-ka tartanka champions League iyada oo xalay iyo habeen dambe la ciyaaray 4 kulan.

Juventus ayaa 3-0 uga badisay kooxda Atletico Madrid halka ay kooxda Man City 7-0 uga badisay kooxda reer Germnay ee Schalke.

Ugu dambayn Liverpool ayaa 3-1 ku garaacday kooxda Bayern Munich  Dhinaca kale   Barcelona 5-1 ugu awood sheegatay kooxda dalka France ee Lyon.

UEFA ayaa soo saaray 4 xiddig oo dhamaantood goolal dhaliyay kuwaas oo u tartami doona xiddiga ugu fiican Champions League todobaadkan.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo oo dhaliyay saddexley, Leroy Sano oo dhaliyay hal gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 gool oo kale, Lionel Messi oo dhaliyay 2 gool 2 kalena caawiye ka noqday iyo Sadio Mane oo dhaliyay 2 gool ayaa ah xiddigaha u tartami doona xiddiga ugu fiican champions League.