Lionel Messi Oo Dhaliyay Goolkiisii 600-aad Ee Xirfadiisa Cayaareed & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay In Aad Ka Ogaato

Xiddiga kooxda Barcelona ayaa isku qoray taariikhda kubada cagta kadib goolkii 1-aad ee uu ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 27-aad

Xiddiga Kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentine ee Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 600-aad ee xirfadiisa cayaareed

Kadib markii uu gool laad xor ah oo cajiib ah ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 600-aad ee xirfadiisa cayaareed

Lionel Messi ayaa 539 gool u dhaliyay kooxda Barcelona waxana uu 61 gool u dhaliyay xulka qaranka Argentine

Messi ayaa kulankii ugu horeeyay u dhaliyay kooxda Barcelona bishii May sanadkii 2005 isaga oo goolkiisii ugu horeeyay ka dhaliyay kooxda Albacete Balompié

Lionel Messi scored his 600th career goal with a stunning free kick against Atletico Madrid at the Camp Nou on Sunday

Goolkiisii 100-aad ayuu Lionle messi dhaliyay bishii September sanadkii 2009 isaga oo ka dhaliyay kooxda Dynamo Kyiv kulan ka tirsanaa champions League

Leo ayaa goolkiisii 200-aad dhaliyay Bishii August sanadkii 2011 isaga oo ka dhaliyay kooxda Real Madrid halka uu goolkiisii 300-aad dhaliyay Rayo Vallecano bishii October sanadkii 2012

Despite the efforts of the Atletico wall, the Argentinian talisman was still able to get the ball up and over with ease

Messi ayaa goolkiisii 400-aad dhaliyay bishii September sanadkii 2014 isaga oo ka dhaliyay kooxda Granada xilli uu goolkiisii 500-aad ka dhaliyay kooxda Valencia bishii April sanadkii 2016

Ugu dambayn Lionel Messi ayaa goolkiisii 600-aad dhaliyay bisha March sanadka 2018 isaga oo laad xor ah ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid

Hadaba shabaqada xogta uruurisa ee Opta ayaa ja-jabisay 600 ee uu Lionel Messi ka dhaliyay xirfadiisa cayaareed waxana uu u kala dhaliyay sida tan soo socota:

Messi ayaa 99 gool ka dhaliyay 99 kooxood oo kala duwan iyada oo kooxda Atletico Madrid tahay kooxda 2-aad ee uu goolasha ugu badan ka dhaliyay (28) iyada oo ka dambaysa kooxda uu goolasha ugu badan ee Sevilla

Goolkii uu Messi ka dhaliyay Atletico ayaa ah goolkii 330-aad ee uu ka dhaliyay horyaalka La Liga waana xiddiga kaliya ee kor u dhaafay 300 oo gool oo horyaalka La Liga ah marka laga yimaado Ronaldo oo 301 dhaliyay

Messi ayaa dhaliyay 38 gool oo Saddexley ah marka la isku daro kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentine, 4 jeer ayuu dhaliyay 4 gool kulan kaiya halka uu sido kale yahay xiddiga kaliya ee 5 gool dhaliya kulan kaliya kaas oo ahaa kulan champions League ah isaga oo ak dhaliyay kooxda Bayer Leverkusen

Xilli cayaareedkiisii ugu fiicnaa ayaa ahaa 2011-2012 isaga oo dhaliyay 82 gool marka lagu daro gooalsha uu caawiyaha ka noqday waxa uu ku lug lahaa 81 gool waana sanadkii ugu fiicnaa noloshiisa cayaareed
Messi ayaa goolal dhan 148 dhaliyay inta u dhexaysa daqiiqada 76 ilaa 90 waxa uu hal mar gool dhaliyay wakhtiga dheeriga waxana uu ahaa kulankii ay Barcelona ku qaaday Club World cup-ka 2009 isaga oo ka dhaliyay kooxda Estudiantes

Lionel Messi ayaa gool u badalay 77 rikoore oo loo dhigay halka uu sidoo kale dhaliyay 39 gool oo laad xor ah
Xiddigii ugu badanaa ee Lionel Messi caawiyaha u noqday ayaa ah Dani Alves isaga oo ka caawiyay 42 gool halka uu Xiddiga Andres Iniesta yahay midka ku xiga isaga oo messi ka caawiyay 36 gool

Atletico goalkeeper Jan Oblak is only able to get fingers to the ball as it flies into the top right-hand corner of the net

The Barcelona maestro celebrates his goal during the first-half of his side's top-of-the-table clash with Atletico Madrid

The 30-year-old forward is congratulated by team-mate Jordi Alba after breaking the deadlock on the 26th minute

Messi wheels away in celebration as the Catalan giants take a huge step towards securing La Liga title on Sunday afternoon

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com