Lionel messi oo Goolkiisii 100-aad re Champion-ka , Imisa Kullan Ku Dhaliyay

Lionel Messi ayaa kooxdiisa Barcelona ku hogaamiyay wareegga 8-da Champion-ka  xalay ka dib markii  garoonka Camp Nou ay ku garaacen kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd lugta labaad ee wareegga 16-ka xilli lugtii hore lagu soo kala baxay min hal gool. oo bar-bara ah

Xiddiga Messi ayaa lahaa laba gool oo qeyb ka ah sedexda gool ee ay kooxdiisa ku garaaceen Naadiga Chelsea xilli goolkii 1-aad uu ahaa kiisii ugu deg -deg ga badnaa aayihiisa Horyaalka Champion-ka , Barcelona iyo qaranka waxa uuna ku dhaliyay 128 il biriqsi

Goolkiisa labaad oo uu si weyn uga farsameystay daafaca Chelsea waxa uu dhaliyay daqiiqaddii 63-aad

Goolkaas labaad ayuu Messi u ahaa kiisi 100-aad ee uu Champion-ka ka dhaliyo ka dib 123 kullan oo uu ka soo muuqday tartankaas ,14 kulan ayuuna ka yar yahay inta uu Ronaldo ku dhaliyay 100-ka gool oo Champion-ka ah.,

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com