Lionel Messi Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Kooxda Barcelona -Hadii Aanan Halkan ——————

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Barcelona iyo in uu ka tagi doono kooxdiisa

Xiddiga 5 jeer ku guulaystay xiddiga ugu fiican adduunka ee Lionel Messi ayaa meesha ka saaray in uu waligii ka tagi doono kooxda Barcelona

Xiddiga reer Argentine ayaa dhamaysan doona xilli cayaardkiisii 14-aad ee kooxda Barcelona isaga oo kula guulaystay horyaalkii 9-aad iyo waliba gool dhalinta kadib markii uu dhaliyay 34 gool

Messi ayaa lala xiriirinayay in uu u dhaqaaqayo premier League iyada oo kooxda Man city doonaysay labadii sano si ay ula midoobeeyaan Pep Guardiola

Laakiin 30 jirkan ayaa sheegay in uuna u baahnayn in uu kooxda badalo oo uu gabi ahaan si fiican u dagay kooxda Barcelona

“Anigu iskuma dayin in aan ka tago Barcelona, ma jirto meel ka fiican Barcelona, hadii aanan halkan joogin ma joogeen meel kale”ayuu Messi u sheegay TYC.

“Waa Kooxda ugu Fiican addunka, Caasimada ugu fiican adduunka, caruurtayduna waxa ay haatan samaysteen saaxiibo, uma baahni badal”

Image result for messi and his family

“Waxa aan u dagaalamaa wax walba in aan ku guulaysto, uma baahni in aan tago meel kale si aan wax kale u muujiyo”