Lionel Messi oo kulankii Athletic Bilbao ka hor u sheegay xiddigaha Barcelona in——–

Lionel Messi ayaa shabaqa tagay kulankii ay xalay Barcelona 2-0 uga adkaatay naadiga Athletic-Bilbao

Camaaliqada Spain ayaa ku sii dhawaaneysa hanashada La Liga iyagoon weliba hal kulan laga adkaan

Messi iyo Paco Alcacer ayaa dhaliyay labada gool ay xalay kaga adkaadeen naadigii hore ee tababarahooda Ernasto Valverde

Balse cayaarta ka hor Lionel Messi ayaa la warinayaa in xiddigaha naadiga uu ku war galiyay inay kooxda ku dhow dahay inay soo xero galiso daafaca Bayern Munich ee David Alaba

Kabtanka reer Argentina ayaa u sheegay saaxiibadiisa inay kooxdu filaneyso soo xero galinta Alba dhammaadka xilli cayaareedkan sida uu warinayo warsidaha Don Balon

Daafaca reer Austria ayaa xilli cayaareedkan ku jira qaab cayaareed aad u fiican laakiin wuxuu horaantii bishan qishay inuu diyaar u yahay tartan cusub iyo koox cusub

Don Balon ayaana iminka warineysa in Messi uu ka war helay in Barcelona ay ku sii dhawaaneyso saxiixa daafaca loo bogay

Warkaan ayaana dhabar jab ku noqonaya Real Madrid oo qudheeda sheeda ka eeganeysay David Alaba

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com