Lionel Messi Oo Ronaldo Iyo Pele Ku Garaacay Coddeyn Qaali Ah Iyo Tirada Codadka Uu Helay

Akhristayaasha mareega SPORTbible ayaa waxay Lionel Messi ay ugu codeeyeen inuu yahay ciyaaryahankii taariikhda kubada cagta ugu fiicnaa, isagoo ku garaacay Cristiano Ronaldo iyo Pele.

Xidiga Barcelona ayaa wuxuu yahay 44% oo codadka guud ahaan la dhiibtay ah, halka weerar yahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo uu helay 36%, Pele oo galay saddexaad ayaa helay 15%, halka Diego Maradona uu 5% yahay.

Inkasta oo coddeyntaan ay sidaan udhacday, hadana Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa waxaa loo arkaa inay yihiin labadda ciyaaryahan oo ay dunida u waabsan tahay tobankii sano ee udambeeyay.

Balse, sanadkaan 2018 ayaa la filan karaa inay dhacaan isbedalo waa weyn, maadaama ay Waji gabax kala soo laabteen koobka aduunka, halka Ronado uu soo gaba gabeeyay Sagaal sano uu Madrid joogay.

Diga-rogashadda CR7 ayaa loo arkaa in loolankii uu kula jira uu meesha ka baxay, maadaama tartanka Champions League aysan ku fiicnayn sanadihii udambeeyay kooxaha Talyaaniga.

Sikastaba, waxaa si wayn loo dhowrayaa siday wax noqdaan sanada soo aadan, gaara ahaan sanadkaan, maadaama la filayo in la bixiyo bilaha soo socda abaalmarinda xidiga sanadka ee FIFA iyo THE BEST.