Lionel Messi Oo Xaqiijiyay In Uu Barcelona Ka Diiday Hal Shardi Oo Ay Doonayeen In Ay Ku Xidhaan Heshiiskiisa Cusub & Sababta Oo Uu Sharaxay

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa xaqiijiyay in uu kooxda Barcelona ka diiday dalab ay doonaysay in ay ku xidho heshiiskiisa cusub oo Abid kooxda ku sii hayn doona isaga oo sharaxay sababta uu u diiday shardigaas.

Kooxda Barcelona ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga waliba ku xidho shardi ah in uu xirfadiisa ciyaareed ku dhamaysto kooxda.

Messi oo oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Markii aan la fadhiistay maamulka kooxda waxa ay ii sheegeen in ay doonayaan in ay heshiiskayga ku dari doonaan shardi ah in aan Abid la joogo kooxda sidii Anders Iniesta laakiin waa ka diiday sababta oo ah ma garan karo sida aan noqon doono mustaqbalka dhaw”.

“Ma doonayo in aan kooxda kula jiro heshiis Abid ah aniga oo aan garanayn sida aan noqon doono, anigu waxa aan doonayaa in aan u dagaalmo u jeedo laakiin ma doonayo in aan u dagaalamo heshiis sidaas darteed imuu cajabin laakiin waan doonayaa in aan xirfadayda ku dhamaysto kooxda”