livepool oo dooneysa weeraryahayanka Abdulkadir Omur

Warar Saakay ay qorayeen qaar kamid ah saxaafada Turkey ayaa sheegayeen in Liverpool ay kula wareegtay aduun lacageed gaaraaya €20M (£17M) xiddiga kooxda Trabzonspor Abdulkadir Omur, sido kalana xidiga uu lasii joogi doona kooxdiisa inta kadhiman xili cayaareedka iyadoo kooxdiisa ey Liverpool ka codsatay in aan lashaacin hashiiska madaama ey kabaqeen caro katimaada taageerayaasha kooxdooda Trabzonspor.

Balse warar kala duban ayaa qorayaan saxaafada England iyagoo sheegaaya in Liverpool aynaan ku jirin suuqaan Junuary Klopp na uusan dooneynin in wax cayaaryahaan ah kooxda kusoo kordhinay bishaan.

Liverpool echo ayaa qoreysa in Klopp ay soo wajahaaya bishaan daafac yari maadaama ay ka dhaawacmeen Lovren, Gomez, Matip iyo TAA uuna diiday in uu suuqa galo oo daafac kala soo wareego mana ahan macquul in uu hada raadiyo weeraryahaan.