Liverpool ayaa dooneysa in ey ugu yaraan ka sameyso £100m iibinta cayaartooyda aan kooxda ubaahneen

Tababare Klopp ayaa ku qasban in sida ugu dhaqsiyaha badan uu go’aan uga gaaro hadii uu ku darsanaya qorshihiisa xili cayaareed 2019/20 Marko Grujic iyo Harry Wilson.

Grujic 23 jir (Hertha Berlin) iyo Harry Wilson 22 jir (Derby County) ayaa xili cayaareed fiican kuwada qaadanaaya kooxaha ey amaahda ugu cayaarayaan xili cayaareed.

Liverpool ayaa ugu yaraan ku iibin doonta Grujic £20m halka Harry Wilson sido kale ey ku dooneysa lacago ka agdhow midaas.

Nathaniel Clyne oo Bournemouth amaah ugu jooga ayaa sido kale loo badinayaa in Albaabka latusi doono waxaana xiiseenayaan kooxo badan oo kacayaara horyaalka Premier League oo ey kamid tahay West Ham, Liverpool ayana iibin doonta hadii ey hesho dalab £15million ah.

Simon Mignolet ayaa doonaaya in uu raadsado koox udamaanad qaadi karta boos joogta ah waxeyna Liverpool ku iibin doontaa £12m.

Rafael Camacho ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo ey ugu horeyso Sporting Lisbon, Liverpool ayaana da’yarkaan ku iibin doonta £10m walow ey isku dayi doonto in ey sii ceshato.

Ryan Kent oo xili cayaareed fiican ku qaadanaaya kooxda macalin Gerrard ee Rangers sido kalana loo doortay PFA Scotland Young Player of the Year ayaa sido kala Albaabka latusi doona iyadoo Liverpool ey ogolaan doonto dalab £12m ah.

Walow uusan hal kulan xitaa ucayaarin Liverpool Taiwo Awoniyi hadana xidigaani reer Nigeria ayaa Liverpool kusoo biiray sanadii 2015, wuxuu heli wayay warqada shaqo ee UK taasoo Liverpool ku qasabtay in ey marar badan amaah kudiraan.

Awoniyi xili cayaareedka soo socda xitaa ma heli doono warqada shaqada ee UK sidaasi awgeed Liverpool ayaa diyaar u ah in weeraryahankaan iska iibiso, kooxda Schalke ayaana kamid kooxaha xiiseenaaya balse Reds-ku waxey doonayaan £10m.

Sido kale Liverpool ayaa go’aan ka gaari doonta Sheyi Ojo iyo Ovie Ejaria hadii ey iibineysa iyo hadii ey mar kale amaah ku direyso.

waxaa kaloo jiri doona cayaaryahaano kale oo kooxda laga diri doono haba ubadnaadaane kuwa Acadamy-ga.