Liverpool Oo guul ka gaartay Kooxda Genk lana wareegtay Hogaanka Group-E

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaartay naaiga Genk Iyaga oo si buuxda ula wareegay Hogaanka Group-ka E kadib markii ay Napoli bar-baro 1-1 ah la gashay Kooxda Salzburg.

Liverpool ayaa kulanka ku soo gashay shax ka duwan shaxdii ugu dambaysay iyaga oo nasiyay qaar ka mid ah xiddigaha Kooxda joogtada ugu ciyaara.

Liverpool ayaa ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay goolal ka dhaliyaan kooxda Genk ciyaartana wakhti horeba.

Laakiin Kooxda Genk ayaa samaysay iska caabin fiican oo ay kala hor tagtay kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 14-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga qadka dhexe ee Georginio Wijnaldum kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay liverpool ku hogaaminayso.

Sidoo  kale daqiiqadii 41-aad ayay Kooxda Genk Dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu madax qurux badan u dhaliyay xiddiga Mbwana Samata kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1-1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool bar-baro kula jirto Genk laakiin ay iska khasaariyeen fursado badan oo ay ku dhalin kareen goolal badan.

Qaybtii dambe ayay liverpool ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolka hogaanka ee ciyaarta iyaga oo samaynayay fursado fiican.

Daqiiqadii 53-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo ciyaarta ka digay 2-1 ay Reds ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool gaadhay guul ay ku gaartay sidii ayna filayn ee ahayd in ay si fudud ku badiso.

Related image
Related image
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com