Liverpool oo Guul Weyn Ka gaartay kooxda Burnley

Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay kooxda Burnley kulan ka dhacay garoonka Anfield kana tirsanaa premier League.

Kulanka ayaa ku bilowday qaab cajiib ah halka ay Burnley qaadaysay weeraro rogaal celis ah kuwaas oo doonayay in ay kaga naxsadaan goolka 1-aad.

Kooxda Burnley ayay u suurtagashay waxana ay daqiiqadii 6-aad dhaliyeen goolka 1-aad iyaga oo uu koorne toos ah u dhaliyay xiddiga Ashley Westwood.

Kooxda Liverpool ayaa weerar bilaawdaay sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahaayeen bar-barahana u dhalin lahaayeen.

Daqiiqadii 18-aad ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay Roberto Firmino kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal kale oo ay ciyaarta dhankooda ugu rogaan hogaankana ugu qabtaan.

Daqiiqadii 19-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Waxaa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ku hogaaminayso 2-1 laakiin gool wakhti hore ah looga naxsaday.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Reds ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Raadinayay sidii ay u dili lahaayeen ciyaarta gabi ahaanteedba.

Daqiiqadii 67-aad ayay liverbool dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Roberto Firmino kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta iyo goolkii 3-aad ee Liverpool.

Kooxda Burnley ayaa sii waday raadinta sidii ay ciyaarta u dhalin lahayeen goolal kale iyaga oo aan waliba ka niyad jabin natiijada.

Daqiiqadii 90-aad ayay Burnley dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Johann Gudmundsson kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-2.

Dhanka kale Sadio Mane ayaa isla markiiba ciyaarta hurdo u diray ka dib markii uu daqiiqadii 90-aad dhaliyay goolka 4-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 2-4.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Reds sidaas ku gaadhay guul weyn oo 4-2 ah

Image result for liverpool vs Burnley

 

Image result for liverpool vs Burnley