Liverpool oo heshiis cusub ka saxiixeyso daafaca Virgil van Dijk Ogow sababta

Daafaca xulka Holland ee hogaamiyaha u ah Liverpool Virgil van Dijk ayaa la hadal hayaa in xagaagan saxiixiisa qal qaalo ugu jiraan labada kooxood ee Spain ugu awooda badan Real Madrid iyo Barcelona sida  qortay Express

Balse Madaxda sare ee  Liverpool ayaa arinkan ka gaashamanayaan waxayna rabaan in Virgil van Dijk heshiis cusub ka saxiixaan sidoo kalena mushaarkiisa sare looga qaado si uu mudo dheer garoonka Anfield usii joogo.

Qandaraaska cusub ee Van Dijk saxiixayo waxay Liverpool ku siin doontaa £200,000, waxaana xusid mudan heshiiskiisa haatan 2023 ku eg inuu todobaad walbo ku kasbado £125,000 balse Liverpool mushaarkiisa siweyn ayay sare ugu qaadayaan waxayna rabaan in 2025 qandaraaskiisa gaarsiiyo.

Van Dijk ayaa muhiim u ah Liverpool asigoo ka caawiyayLiverpool in 17-kulan shabaqooda difaacdaan sidoo kalena 15-gool ayaa laga dhaliyay xili cayaareedkan oo ay Reds dagaal ugu jiraan hanashada EPL inkastoo Man City hogaanka 4-dhibcood kaga heyso.