Liverpool Oo Hishiis Cusub Ka Saxiixanayso Daafaceeda Van Dijk

Xiddiga daafaca Liverpool ee Van Dijk ayaa la filayaa in uu qalinka ku duugo hishiis cusub oo muddo fog ku sii haynaya kooxda Liverpoo.

Hishiiska cusub aan la filayaa in loogu kordhiyo mushaarkiisa kaasi oo haatan gaaraya 250 kun oo lacagta Ingiriiska

Sida 90min laga soo xiganayo laacibka iyo kooxda ayaa wadahadal ku jiray tan iyo bishii June waxaana la xusayaa in haatan ay isla meel dhigeen inkastoo aan la shaacin mudada uu gaarayo

Laacibkaas oo xagaagii 2018-ka u yimid Liverpool waxa uuna hishiiskiisa haatan dhacayaa xagaaga 2023-ka , waxaana la tilmaamayaa in arintaas la soo afjarayo todobaadyada soo socda