Liverpool Oo Is Ka Xaadiriyay Wareegga 8-da ee Champion laeague-ka

kooxda Liverpool ayaa saartay kooxda Bayer munich kaddib markii ay kaga adkaadeen 3-1.

Qeebtii koowaad ee kulan ciyaareedka ayaa ahaa mid adag , ciyaartoyda labada dhinac ayaana soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan lkn bara baro 1-1 lagu kala nastay .

Kooxda Liverpool oo marti aheyd ayaa la hor martay goolka waxaana u dhaliyey xidigooda dalka Sinagal ee Mane daqiiqadii 26-aad ciyaarta waxaana goolkaas .

Bayer munich ayaa xaalka  ku xumaaday markii laga dhaliyey gool balse waxa ay durba heleen goolka bareejada walow ay lugtooda aysan ku keensan goolkaas oo waxaa iska dhaliyey daafaca kooxda Liverpool ee Matip daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta .

Qeebtii koowaad ayaa lagu kala maray bareejo , balse waqti nasiino  kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta .

Kooxda Liverpool ayaa ku soo gashay dar dar xoogan qeebtii dambe ee ciyaarta iyaga oona la yimid gool kale oo labaad waxaan goolkaas dhaliyey van Dijk daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta kaddib kubad gees kalaad aheyd oo uu soo qaaday Milner .

Mane ayaa ayaa sii quusiyey rajadii kooxda Bayer munich kaddib markii u dhaliyey goolka sedexaad ee Liverpool iyo goolkiisa labaad ee ciyaara waxaana goolkaa ka caawiyey Mohamed Salah.

Ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku soo dhaamada ( 3-1) kooxda Liverpool ayaana u awood sheegatay kooxda Bayer una gudubtay wareega xiga ee sideed dhamaadka tartanka Champions LeagueRelated image

Image result for Bayern Munich vs liverpool