Liverpool Oo Si Dirqi Ah Uga Badisay Everton Iyo Divock Origi Oo Noqday Furaha Guusha Reds

Kooxaha Liverpool iyo waliba Everton ayaa wada dheelay kulan ciyaareed aad muhiim u ahaa kaasi oo ka tirsanaa tartanka xiisaha badan ee Premier League.

Dheesha oo ka qabsoontay qalcadda Reds ayaa daqiiqadihii loo qorsheeyay waxay kusoo dhamaatay 1-0, oo ay ku adkaatay naadiga Jurgen Klopp.

Kooxda gobolka ay dekadda ku taalo ka dhisan ayaa goolka waxay uga mahad-naqeysaa ciyaaryahanka lagu magacaabo Divock Origi, kaasi oo bandhig wacan sameeyay.

Wiilkaan udhashay wadanka Belgium-ka ayaa dhaliyay goolkani daqiiqadii 97aad ee qaybta labaad ee ciyaarta, xili ay ahayd waqti uu kulanku dhamaad ahaa.

Inta uu socday kulankii dhex-maray kooxahani ma jirin ciyaaryahan la siiyay kaar Casaan ah, balse waxaa jiray laacibiin loo qaybiyay kaarar Jaalo ah.

Liverpool ayaa kulanka soo socda waxay la balansan tahay dhigeeda Burnley ciyaar ka tirsan EPL-ka, taasi oo dhici doonta Arbacadda soo socota.