Lixda Koox Ugu Weyn Horyaalka Premier League oo isku heysta saxiixa hal cayaaryahan

Kooxaha horyaalka Premier League ayaa wada doonaya inay kasoo qaataan xiddiga Borussia Dortmund xiliyada soo aadan mid ka mid ah xidigaheeda ugu bandhiga fiican xili cayaareedkan

Image result for Jadon Sancho

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in saxiixa laacibka kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ay wada xiiseenayaan shanta kooxood horyaalka Premier League ee Liverpool, Arsenal, Chelsea, Manchester United iyo Tottenham Hotspur

Image result for Jadon Sancho

Heshiiska 18 jirkan Jadon Sancho ee kooxda Borussia Dortmund ayaa la filayaa inuu ku kici doono aduun dhan 100 milyan ginni, kadib markii uu xili cayaareedkan qaab cayaareed cajiib ah kala soo muuqday kooxda reer Germany

Image result for Jadon Sancho

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Borussia Dortmund ay u aragto Jadon Sancho badalka saxda ah ee Ousmane Dembélé, kaasoo sanadii 2017-dii kaga dhaqaaqay kooxda Barcelona, sidaas darteed ay aad u adag tahay inay fasaxdo