Lowry Hotel waa la iskugu yimid, Balse Pogba kama mid ahan xiddigahii yimid si ay ugu sii nastaan ka hor kulanka Sevilla.

Xiddiga  qadka dhexe  xulka faransiiska  iyo kooxda kubada cagta ee  Manchester United Paul Pogba ayaa seegay tababarka kooxda, waxaana uu xidigan seegi kara kulanka  caawa Sevilla iyo kooxdiisa dhexmari doona.

Laacibka 24 Jirkan ayaa laga saaray safkii Man  United ee garoonka Old Trafford ka lacayarayso kooxda  Sevilla kadib markii uu dhaawac ku soo gaaray tababarka Manchester United saacado uun ka hor inta Man United ku xaroonka Hotelka kooxda  Red Devills.

Jamaahiirta Manchester ayaa rajo ka qabay in Pogba soo laaban karo kulanka  caawa  ee Sevilla, laakiin xidigii hore ee Juventus ayaa maanta laga saaray  xarunta tababarka Manchester ee Carrington.

Waxaa kale oo dhawacyo qabo xiddigo badan oo ay kamid yahiin Phil Jones, Marcos Rojo, Ander Herrera iyo Daley Blind ayaa sidoo kale ka maqnaa tababarka Manchester halka uu xaadir ku ahaa Eric Baily oo dhaawac fudud uu soo gaaray kulankii Liverpool.

Cayaartooyda Jose Mourinho ayaa garoonkooda Old Trafford ku qaabili doona caawa talaadada naadiga Sevilla, oo bar baro goolal la’aan ah ay lugtii hore kula soo galeen garoonka Ramon Sánchez Pizjuan Stadium.

Image may contain: 1 person, standing and shoes

Image may contain: 2 people

Image may contain: 1 person

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 1 person, standing and shoes

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 1 person, shoes

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com