Lucas Vasquez Oo Ka Hadlay Hadii Sanadkaan Bollon D’oro Ku Guuleysan Karo Ciyaaryahan Modric

Luka Modric waa magaca ugu badan oo uu hadal-hayo qof kasta oo doonaya inuu ku guuleysto abaalmarinta xidiga sanadka ee loo yaqaano Bollon D’oro.

Inkasta oo ay tani jirto, hadana waxaa jira shaqsiyaad kale oo aaminsan in abaalmarintaan ay hanan karaan ciyaartoy udhalatay wadanka Faransiiska.

Si lamid ah, waxaa jira xubno aaminsan in hadii aysan biladaan ku guuleysan midkood – Messi ama Ronaldo – aysan wax macqno ah sameyn doonin.

Iyada oo ay arrimahaan jiraan ayaa waxaa ka hadlay xidiga Real Madrid ee Lucas Vasquez, kaasi oo umuuqda mid ku biiray liiska dadka taageeraya Modric.

“Modric waa uu uqalmaa, sababta oo ah muuqaal ciyaareedkiisa koobka aduunka iyo tartamada uu Real Madrid udheelay,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

“Balse, waxaa aad uwacan in aanan ka horudhicin natiijadda soo bixi karta, waana inaan sugnaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Lucas Vasquez.