Lucas Vazquez Oo Dhinac U Riday Dooda Ku Saabsan In Luka Modric Uu Ka Tagayo Real Madrid

Garabka duula ee Real Madrid, wiilka lagu magacaabo Lucas Vazquez ayaa sheegay in Luka Modric uusan meelna uga dhaqaaqi doono kooxda ku dheesha Qalcadda caanka ah ee Bernabeu.

Xidiga heerka caalami ee qaranka Croatia ayaa la xaqiijiyay inuu bartilmaameed uyahay Inter Milan, kuwaasoo diyaarinaya dalab lacag oo waali ah oo ay kasoo gudbiyaan Modric.

Maamulaha Real Madrid ee Julen Lopetegui ayaa beeniyay wararka ku saabsan inay fasaxayaan Modric, xili Vazquez uu ayiday hadalkaaas.

“Waxaan nahay kuwa degan oo isaga ku kalsoon. Waxaan rajeynayaa inuu kusoo laabto Madrid,” ayuu usheegay saxaafadda.

“Ma qabo wax shaki ah oo ku saabsan inuu sii joogayo isaga, laakiin marnaba ma ogid waxa kubada cagta ka dhici doona.

Laakiin, aniga ahaan waxaan qabaa in Modric uu yahay xidig Madrid ah uuna sii ahaan doono.

“Taasi waa sida aan dareemayo. Aniga isaga madaxiisa kuma jiro, laakiin waxaan hubaa inuu doonayo isaga joogitaanka halkaan. Balse, hal meel kama anan soo wada kicin,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Vasquez.

Sikastaba, Lucas Vasquez ayaa wuxuu ka garab dheelayaan Luka Modric muddo saddex cili ciyaareed ah, iyaga oo kuwada guuleystay Champions League, saddexdaas sano oo ah kuwii ugu dambeeyay.