Luis Campos “Kylian Mbappé wuxuu ku biiri doonaa Real Madrid”

Laacib Sports : Maamulihii hore ciyaaraha kooxda Monaco isla markaana haatan ka howlgala kooxda Lille ee Luis Campos ayaa sheegay in xidiga PSG ee Kylian Mbappé uu ku biiri doono kooxda Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain.

Agaasime Luis Campos ayaa lagu tiriyaa inuu soo saaray dhoowr ciyaartoy da’yar ah ee kooxda Monaco uu qeyb ka yahay Kylian Mbappé, wuxuuna ka mid yahay agaasimayaasha ciyaaraha ee ugu fiican, Mas’uulkan oo ka hadlayay mustaqbalka Kylian Mbappé ayaa wuxuu ugu horeyn yiri “Kylian Mbappé waa ciyaaryahan kubada cagta ee heysta qaab ciyaareed heer sare ah, waxaan arkaa isaga oo xiran maaliyada kooxda Real Madrid, sababtoo ah waa koox xili kasta raadisa ciyaartoyda aadka u wanaagsan”.

Asigoo hadalkiisa sii wata ayaa sii raaciyay “Waxaan qiyaasayaa in mustaqbalka uu dhex fariisan doono garoonka Santiago Bernabeu, waxaan daawadaa oo aan ku raaxeystaa qaab ciyaareedka Kylian Mbappé, Maalmahan aan ku jirno Mbappé wuxuu ka go’aamin fiican yahay Neymar Jr, waxaana qabaa inuu in badan ka fiicnaan doono Cristiano Ronaldo, waxaan arkaa inuu ku guuleysan doono abaal marino badan”.

Luis Campos