Luis Enrique Oo Amaan Ku Rusheeyay Sergio Basquets: “Waa Laf-dhabarka Barca iyo Xulka Spain”

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa wuxuu amaan uu raaxadda uga qaaday laacibka Barcelona ee Sergio Basquets.

Basquets ayaa dhowaan waxaa ka dhacaya qandaraaska uu kula jiro Bluagrana, inkasta oo ay socdaan dadaalo heshiis cusub looga saxiixayo.

Enrique iyo Basquets ayaa waayo qurux badan isla soo qaatay intii uu hogaamiyaha La Rojo hayey taliska Barcelona.

“Isaga [Basquets] waxa uu door muhiim ah uu ka qaataa dalka, sida Barcelona oo kale,” ayuu Luis Enrique u sheegay warbaahinta.

“Waxaan sidoo kale haystaan Rodri, kaasoo lamid ah Basquets, wuxuuna uyahay tiir iyo lar-dhabar kooxda iyo dalka.

“Waxaan ku farax-sanahay inaan haysto ciyaaryahano isaga lamid ah,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Luis Enrique.