Luis Garcia Oo Ka Hadlay Saameynta Ay Ku Yeelan Karto Barca Hadii Ay Weyso Iniesta Kulanka Blues

Ciyaaryahankii hore ee kooxaha Barcelona, Liverpool iyo kuwa kale, wiilka lagu magacaabo Luis Garcia, ayaa wuxuu aaminsan yahay in Bluagrana ay u aayi doonto hadii Andres Iniesta, ay weyso kulanka Chelsea ee lugta labaad ee UCL.

Ciyaarta labadaan kooxood, taasoo dhici doonta habeenka Arbacada ayaa waxaa shaki weyn laga gilayaa inuu seego Kabtanka Barcelona, inkastoo uu tababarka soo xaadiray tababarkii ay ciyaarta Chelsea, ay isugu diyaarinayeen.

Kulanka labadaan naadi ee ka kala dhisan Ingiriiska iyo Spain, ayaa waxaa ay tahay midda ugu weyn Isbuucaan kulamada Champions League, waxaana lugtii koowaad ay kusoo kala baxeen labadda dhinac Bareejo 1-1 ah.

“Waxay noqon doontaa dharbaaxo weyn, maxaa yeelay waa mid kamid ah ciyaartoyda, kuwaasoo sameyn karta isbedal,” ayuu Garcia ku sheegay wareysi uu siiyay Majalada MARCA, ee wadanka Spain.

“Ciyaartoda kuwaasoo abuuri karta waxyaabo ka yimid qeybta koowaad ee ciyaarta ama labaad, kulamadaan oo kale [ayuu Iniesta yahay],” ayuu hadalkiisa ku daray laacibkaan.

“Iniesta waa mid kamid ah kuwa Banooniga marka ay helaan arkaya Baas, kaasoo wax badan ka bedali kara ciyaarta,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Luis Garcia, oo ciyaarta wax fiican La Liga iyo EPL kusoo qaatay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com