Luis Suarez Oo Magacaabay 3 Weeraryahan Oo Uu Doonayo In Ay Ka Badalaan Barcelona?

Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa magacaabay 3 weeraryahan oo uu aaminsanyahay in ay ka badali karaan kooxda Barcelona hadii u ka tago mustaqbalka dhaw.

Luis Suarez oo la hadlaya wargayska Mundo Deportivo ayaa yidhi”Shaqsi ahaan waxa jira weeraryahano aan si gaar ah ula socdo sabab la xidhiidha in aan jecelahay daawashooda”.

“Xiddiga 1-aad aya ah Tammy Abraham weeraryahanka kooxda Chelsea waa weeraryahan fiican waxana uu si cajiib ah u dhamaystiri karaa fursadaha waxana uu si cajiib ah u ugu dhaqaaqi karaa boosaska kala duwan”.

“Xiddiga kale ayaa ah Maxi Gómez weeraryahanka Valencia, waa reer Uruguay ah sidayda waana xiddig leh tayo cajiib ah waana xiddig ay koox walba doonayso in ay hesho”.

“Xiddiga kale ayaa ah Lautaro Martinez kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Inter Milan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com