Luiz Felipe Scolari oo sheegay arin halis ku ah Real Madrid

Tababarihii hore ee Guangzhou Evergrande Luiz Felipe Scolari ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo uu isaga dhowr jeer weydiiyay wax ku saabsan nolosha dalka Chine

Xili kooxaha ka dhisan Chine lacag waali ah ku raadinayay Ronaldo, laacibka reer Portugal ayaa laga yaabaa inuu doorto Bariga dhaxe

Cristiano Ronaldo oo weli kujira qaab cayaareedkiisii ugu fiicnaa Real Madrid, waxa uu tartan adag ugu jiraa kabta dahabka La Liga, isagoo haatan kaliya saddex gool ka dambeya xiddiga reer Argentine ee Lional Messi

Image result for Luiz Felipe Scolari and ronaldo

Isagoo la hadlayay ‘Esporte Interativo “Luiz Felipe Scolari ayaa shaaca ka qaaday in Ronaldo uu dhowr jeer weydiiyay wax ku saabsan nolosha Chine dhowr jeer

“Ronaldo wuxuu leeyahay astaan ganacsi oo wayn, Shiinuhuna waa dalka ugu wayn adduunka, marwalba waxaan iraahdaa qofkii fursad u helaya ha aado Shiinaha”

Hadalkaan kasoo yeeray tababarihii hore ee xulka qaranka Barzil Luiz Felipe Scolari ayaa muujinaya sida Cristiano Ronaldo uu niyada ugu hayo kooxaha ka dhisan horyaalka China

Warkaan ayaa ah mid aan u wanaag sanayn Real Madrid oo isku dayeeysa inay sii haysato Cristiano

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com