Luka Modric Oo Amaan Ku Rusheeyay Ramos Xili Uu Kabaha La Dulmaray Dadka Dhaliila

Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa wajahaya dhaliilo culus oo uga imaanaya bahda ciyaaraha, laakiin saaxiibkiisa Luka Modric ayaa difaacay.

Daafaca birta ah ayaa lagu maagay markii uu ku lug-yeeshay arrimo muran dhaliyay, oo ku aadan inuu waxyeelo ugu geystay garoonka xidigo.

Balse, Modric ayaa sheekooyinkaasi oo dhan dhinac u riday wuxuuna amaan kala dul-dhacay kabtankiisa, oo uu tilmaamay inuu yahay mid wanaagsan.

Laacibka xulka qaranka Croatia dhexda uga ciyaara ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaday dadka dhaleeceeyay Ramos, kuwaasi oo uu ku sifeeyay dad aanan maskax lahaynin.

“Ramos waa ciyaaryahan wayn iyo kabtanka wanaagsan,” ayuu yiri Modric kahor kulanka Croatia iyo Spain ee ka tirsan koobka UEFA League Nations.

“Ania Fekerkyga, dhamaan dhaleecaynta isaga uu helay waa kuwa aan kusaynin, kubadda cagta, qof kasta wuxuu leeyahay maskax aad yar.

“Isaga wuxuu leeyahay dabeecad, aniga waxaan hubaa inaanan waxyeelo ugeysan doonin isaga dhaliilaha,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Luka Modric.