Luka Modric oo dib ugu soo laaban kara Kooxda Tottenham & Sababta ka dambeysa oo daaha laga rogay

 Sida wararku ay sheegayaan Luka Modric ayaa dib ugu soo laaban kara kooxdiisii hore ee Tottenham, iyadoo la shaaciyey sababta uu Modrid u imaan karo Spurs.

Warsidaha la yiraahdo ElDesmarque ayaa warinaya in kooxda Real Madrid ay dalab uu ka mid yahay Luka Modric hordhigto Tottenham si ay uga hesho laacibka Christian Eriksen.

Los Blancos ayaa kooxda reer England u diraysa xiddiga haysta abaal-marinta laacibka adduunka ee Luka Modric si ay caasimadda Spain ugu kaxaystaan Christian Eriksen.

Xiddiga xulka qaranka Croatia ayaa afar sanadood ku qaatay garoonka White Hart Lane ka hor inta uusan u dhaqaaqin dalka Spain, waxaana loo isticmaali karaa hadda heshiiska ay Real Madrid ku bartilmaameedsanayso laacibka khadka dhexe ee reer Danish.

Real Madrid ayaa xiddigan khadka dhexe ee Christian Eriksen muddo dheer ka dhiganaysay bartilmaameedkeeda koowaad ee suuqa, waxaana Los Blancos ay hadda diyaar u tahay inay Luka Modric qeyb uga dhigto heshiis walba oo ay ku doonayso inay kula soo wareegto Erikse