Luka Modric Oo Sharaxay Sababta Real Madrid Loogu Saadaalin Karo Inay Hanan Karan UCL Xagaagan

Tartanka Champions League wuxuu ku socdaa xili ciyaareedkan si xowli ah xili kooxaha ay xusul duub ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen tartankani.

Real Madrid waa kooxda daafacaneysa waxay qaadaysay saddexdii sano ee lasoo dhaafay, wallow ay haatan wajahayaan caqabado dhowr ah.

Luka Modric wuxuu kamid ahaa safkii soo qaaday saddexdii caano meel ee lasoo dhaafay, balse kani wuxuu qirayaa inay xagaagan culeys uu saaran yahay.

Laacibkaan udhashay dalka Croatia ayaa sheegay in sababta ay wax kasta macquul uyihiin ay u hanan karaa Champions League markii afaraad oo xiriir ah.

“Wax kasta ma ahan kuwa aan macquul ahayn marka kubada cagta,” ayuu yiri Luka Modric, kaasi oo muujiyay kalsooni xoogan oo ay ku hanan karaan koobkani.

“Maxaa nan u aadi karayn afar, waxaana siin doonaa wax kasta si aan u hanano tartan kani,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray xidiga Los Blancos ee Luka Modric.