Luka Modric Oo Ugu Cad-cad Inuu Sanadkaan Ku Guuleysto Abaalmarinta Ballon d’Or Iyo Sababta

Xidiga Real Madrid ee Luka Modric ayaa wuxuu ugu cad-cad yahay inuu saandkaan ku guuleysto abaalmarinta xidiga sanadka ee loo yaqaano Ballon d’Or.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa loo arkaa inay yihiin murashaxiinta kale ee ugu cad-cad, balse, waxaa la saadaalinayaa inaanu noqon sanadkaan midkooda.

Majaladaha ugu waawayn Yurub waxay sheegayaan in Modric uu ku guuleysan doono abaalmarintaan, iyaga oo sabab uga dhigaya bandhigiisa.

Jariiradda MARCA ee dalk Spain ayaa qoreysa in Modric oo udhoofi doona magaalada Paris Isniinta uu lasoo hooyan doono biladaan uu qiimaha badan dunida.

Jariiradaan oo soo xiganeysa illo wareedyo aysan magacaabin ayaa si cad ubaahisay in Modric uu ka dulqaadi doono biladaan ciyaartoyda Mess iyo Ronaldo.

Sikastaba, waxay unoqon doontaa sanad barwaaqo ah ciyaaryahan Modric hadii uu hanto abaalmarintaan, maadaama uu horey usoo qaatay abaalgudyo kale.