Romelu Lukaku Oo Qaar ka Mid Ah Cayaartoyda Man United Ku Tilmaamay Khiyaanoolayaal

Romelu Lukaku ayaa furka ku tuuray xiddigaha Manchester United kaddib markii xalay laga soo reebay Champions League

Red Devils oo la saadaalinayay inay u soo gudbi doonto wareega xiga ayaa waji gabax la kulantay kaddib markii uu labo gool ka muday Wissam Ben Yedder oo badel ku yimid

Lukaku ayaa gool soo daahay u dhaliyay kooxda Jose Mourinho balse waxba kuma aysan faa’iidin

Lukaku scored a consolation for United during the later stages of the Champions League tie

Macalinka Mayilka adag ayaa ammaanay bandhiga xiddigihiisa ee kulankii xalay, laakiin haddii ayba fiicnaayeen waxaa la is waydiinayaa maxay tahay 4-ta Laad oo qura ay goolka la bartilmaameedsadeen labada lug ay la cayaareen Sevilla

Soccer Football - Champions League Round of 16 Second Leg - Manchester United vs Sevilla - Old Trafford, Manchester, Britain - March 13, 2018 Manchester United's Romelu Lukaku celebrates scoring their first goal REUTERS/David Klein

“Waxbaa ka qaldanaa cayaartoyda qaar, Way qarsanaayeen cayaartoyda qaar,” Lukaku ayaa sidaa u sheegay BT Sport

“Khiyaanada aad ayay u wayneyd Waad ogtahay si fiican ayaan ku bilaabanay kulanka, laakiin waxaan u ogolaanay inay yare xukumaan kulanka Fursado yar ayaan helnay qeybta hore balse ma aynaan dhalin

“Goolka koowaad ayay dhaliyeen, laga soo bilaabo waqtigaas waxaan isku daynay inaan badelno kulanka balse goolka labaad ayay dhaliyeen taa oo dhabar jab wayn ah

But a double from Wissam Ben Yedder meant the Old Trafford side exited the competition

“Waxay ahayd inaan sameyno wax intaan ka fiican marka loo eego tayada aan kooxda ku heysano, laakiin guul uma aynan qalmin maxaa yeelay fiicnaanshaheenu naguma filneyn”

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com