Ma Inuu Ku Biiraa Mise? Kaka Oo Neymar Siiyay Tallo Ku Aadan Xiisaha Uga Imaanaya Real

Iyadoo dooda ugu badan ee waqtigaan ka taagan kubada cagta ay tahay hadii uu Neymar ku biiri karo Real Madrid, ayaa waxaa wax laga weydiiyay Halyeeygii Brazil iyo Los Blancos ee Kaka.

Kaka ayaa wuxuu usheegay Neymar, in hadii uu isaga doonayo inuu ku biiro Boqoradda Yurub uusan waxba ka laba labayn, islamarkaana uu iska dejiyo caasimada wadanka Spain.

Wuxuu qiray Kaka in go’aanka uu ku jiro gacanta Neymar, kaasoo hadda ah ciyaaryahanka aduunka ugu qaalisan, taasoo uu noqday markii uu kasoo daqaaqay Barcelona oo uu PSG yimid xagaagii hore.

“Kaasi waan go’aan shaqsiyadeed, hadii uu doonayo inuu uwareego Madrid, waxay ka dhigan tahay inuu kaliya doonayo inuu Paris ku dhisanayo Buundadii uu Madrid ku heli lahaa,” ayuu yiri Kaka.

“Laakiin, hadii ay taasi tahay waxa uu doonayo, waa inuu sameeyo, islamarkaana uu maareeyaan xaaladaas.

“Waxaa mar walba jia cadaadis isaga saaran. Marka uu Brazil joogo waa mid cajiib ah, waxay ka hadlayaa wax ku saabsan muuqaal ciyaareedkiisa, laakiin habka timahiisa ayaa ah wax qaadis ubaahan.

“Waa ciyaaryahan wayn, laakiin sidoo ah mid xayeysiiska ku fiican, ma ahan wax aad u fudud inaan maareyso dhamaan waxyaabahaas,” ayuu kusoo xiray hadalka, xili uu uwaramayay La Gazzetta dello Sport.